Diyaaradaha Dagaalka ee Ruushka iyo NATO oo hawada Yurub isaga hor yimid

diyaarado dagaal

Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO ayaa shir isugu imaanaya si ay uga arrinsadaan gargaarka militeri ee Ukraine.

Dhoollatuskii ugu waynaa ee ka dambeeyay xilligii Dagaalki Qaboobaa ayay waddamada ku jira NATO ka wadaan meel u dhow Ruushka.

Wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Nafisa Kuhnavard ayaa qabatay sawirro muujinaya diyaaradaha dagaalka ee NATO oo ku wajahan hawada Yurub oo ay dhinaca kale ka joogaan militeriga Ruushka.

Mas’uuliyiinta NATO ayaa sheegay inay ku howlan yihiin gaadda ka ciyaarkii militeri ee ugu waynaa ee ay sameeyaan kaddib dagaalkii qaboobaa. Ilaa 50 diyaaradood oo ay leeyihiin waddamada xulafada ah ayaa isugu tagay difaaca hawada ee Bariga Yurub.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid mug wayn leh, dadka qaarna waxay sheegeen in taariikhdii hore aan laga soo tagin. Ruushka ayaase ah quwadda ugu wayn ee halkaas ku sugan ilaa hadda.

Muuqaal laga soo duubay gaashaanbuurta uu hoggaaminayo Mareykanka ee dhoollatuska samaynaysa ayaa laga arkayaa duuliye u dhashay waddanka Czech, oo la yiraahdo Mikhail Danek, kaasoo u muuqda inuu yahay atoore filim jilaya. Laakiin tani waa xaalad dhab ah oo ka fog filim jilitaan.

“Dhoollatuskan militeri ayaa noqday mid lama filaan ah. Diyaarad aan la garanaynin cid leh ayaa kusoo dhawaatay saldhigga ciidamada cirka ee NATO.

“Diyaaradahan ayaa ka hor istaagayay waddadeeda iyo in ay dib u laabato,” ayay tiri wariyaha BBC-da, Nafisa Kuhinur.

Saraakiisha NATO ayaa markii dambe dhacdadaas usoo tabiyay BBC-da. Waxay sheegeen in ay ahayd diyaarad uu leeyahay Ruushka.

Sawirro laga qaaday gudaha diyaaradda uu waday Mikhail ayaa muujinaya sida uu ugu dhawaaday inuu joojiyo diyaaradda Ruushka.

Xilli ay meel aad u xun marayso xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo NATO, khalad yar ayaa hor seedi kara dagaal aad u wayn.

Diyaaradaha Ruushka

Inkastoo hubka oo dhan uu bannaanka yaallay, ma jirin qof ku faraxsan.

Militeriga waddanka Lithuania oo qayb ka ah dhoollatuska NATO ayaa tijaabo ku samaynaya difaacooda dhinaca dhulka ee ka hor tagaya duqaymaha diyaaradaha.

Dowladahan loo yaqaanno Baltic-ga ayaa ku yaalla meel u dhow Ruushka, waxayna xubno ka yihiin gaashaanbuurta NATO.

“Xaaladda hadda taagan ma aha mid ku filan in lagu joojiyo Ruushka ama jawaabta daqiiqadaha ugu horreeya la bixiyo haddii ay xaaladdu sii xumaato, mana aha kaliya dhinaca Ukraine balse sidoo kale Lithuania iyo gobolladeenna,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga ee Lithuania, Margiris Abukevich.

“Dadka reer Lithuania ee caadiga ah ma sugayaan NATO. Si wadir ah ayay u dagaallamayaan”. Hadalkaas waxaa tiri haweeney u dhalatay Ruushka oo sharraxaysay sababta ay u caawinayso ciidamada difaaca ee Ukraine.

“Sababta aan anigu u caawinayo waa inaan ceeb ka dareemay kana cabsanayo waxa uu dalkeyga samaynayo. Waxaan isku dayayaa inaan gacan ka gaysto intii karaankeyga ah,” ayay tiri.

Taangi

Lithuania ayaa sidoo kale lagu dawaynayaa ciidamada Ukraine ee kusoo dhaawacma dagaalka.

Dalalka reer galbeedka ayaa xukuumadda Kyiv garab taagan tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii bishii February ee sanadkan 2022-ka.

Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu gargaar militeri oo horleh oo ku kacaya hal bilyan oo dolar u dirayo Ukraine, waxaana qalabkaas ka mid ah gantaallada casriga ah.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in uu wax kasta u samayn doono sidii uu u xaqiijin lahaa in Ukraine ay hesho dhammaan hubka ay u baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here