Diyaaraddii dunida ugu weyneyd oo maanta duullimaadkeedi ugu horreysay billaawday

largest plane

Diyaaraddii ugu weyneyd dunida ee duullimaadkeeda ugu horreeyey maanta si rasmi ah u billaawday wuxuuna dherarkeedu gaarayaa 117 mitir. Tasoo ku dhaw baaxadda garoonka kubbadda cagta lagu ciyaaro.

Diyaaraddan oo awood u leh iney joog dhan 10km (10,000 oo miitir) ay ku duusho, waxay ku duuli kartaa xawaara dhan 270 kiilo mitir saacddiba.

Diyaaraddan dunida ugu weyn oo leh lix matoor ayaa noqotay diyaaraddii ugu weyneyd oo abid gasho hawada.

Waxayna diyaaradda leedahay 28 taayar, iyada oo ay duuliyeyaasha ay diyaaradda ka hagayaan laba qaybood oo ay diyaaraddan cusub u qaybsan tahay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.