Diyaaraddii ku burburtay Bardaale ma la soo riday mise iskeed ayey usoo dhacday?

burbur diyaarad african express

Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa shalay ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday.

Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Dadka dhintay waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho sababta ay diyaaradda u dhacday. Hase yeeshee, Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in siyaasi horay Wasiirka Gaashaandhigga uga soo noqday Soomaaliya uu u sheegay inuu la hadlay qof goob jooge ah, loona xaqiijiyay in diyaaradda ay u muuqatay mid lasoo riday.

Diyaaradda ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bardaale, xilli ay isku diyaarineysay inay caga dhigato.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa su sugan aagga ay diyaaraddu ku dhacday, inkastoo magaalada Bardaale ay gacantaku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

.
Diyaaradda waxay sidday agab loogu talagalay la dagaallanka coronavirus

Lixda ruux ee diyaaradda ku dhimatay waxay isugu jireen duuliyihii, ku xigeenkiisii, injineerkii duullimaadka, duuliye uu tababar u socday iyo labo ruux oo shaqaale ka ahaa diyaaradda, sida uu Reuters u sheegay wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Salaad.

“Shan ka mid ah meydadka dadka dhintay ayaa la helay ilaa hadda,” ayuu yiri wasiirka.

Salaad ayaa intaas ku daray in ay goobta uu burburka ka dhacay u direen koox baaritaan kasoo sameysa.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay diyaaradii ku dhacday degmada Bardaale ee ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay in diyaaradaasi oo sidday shixnad daawo ah ay ku dhacdo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wasaaradda Gaadiidka waxaa ay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Airways, isla markaana ay gargaar caafimaad u wadday dadka ku dhaqan halkaasi, iyadoo tacsi loo diray dadkii wax ku noqday shilkaasi diyaaradeed

Miyaa lasoo riday?

.

Cabdirashid Cabdullaahi Maxamed, oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “inuu la hadlay dad ku sugan goobta ay diyaaradda ku burburtay, kaasoo u sheegay in diyaaradda ay markii hore damacday inay caga dhigato – laakiin ay wareeg labaad soo gashay markii ay aragtay xayawaan duur joog ah oo waddadii diyaaradda caga dhigan lahayd xannibay.

Kaddib wuxuu goob joogaha la hadlay wasiirka hore sheegay in diyaaradda ay u muuqatay in gantaal looga dhuftay mid ka mid ah garbaheeda.

Wali ma jiro wax war ah oo ay Al-Shabaab kasoo saareen dhacdadan.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo Bardaale ayaa qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here