Donald Yamamoto oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo

AFRICOM Gen Thomas D Waldhauser

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Stephen Townsend iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Axmed Madoobe ay kala hadli doonaan xaaladda cakiran ee Jubbaland, gaar ahaan xiisada maamulkaasi kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Ammaanka Kismaayo ayaa sidoo kale saaka si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro soo dhoweynta wafdigaan laga dareemayo magaaladaasi.

Safarka Yamamoto ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland ay ka socdaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here