Dood ka dhalatay diyaarad ay ka soo daadatay wasakhda musqusha

diyaarad ciidan china

Ingiriisku inta badan wuxuu ku mashquulsan yahay cimilada, balse hal nin oo ka soo jeeda Berkshire, ee galbeedka London, ayaa lahaa sabab gaar ah oo uu kaga welwelsan yahay samaawaadka isaga ka sarreeya.

Waxa uu ku nasanayay beertiisa markii “qashin aad u xun ku soo firdhismay” waa saxarada iyo kaadida aadanaha, oo diyaarad ka soo dhacday.

Waxay dhacday bartamihii bishii Luulyo, balse hadda ayay soo shaac baxday dhacadadan.

Xildhibaanka golaha deegaanka Karen Davies oo ka hadlayay madasha duulimaadka The Royal Borough Of Windsor & Maidenhead ayaa sheegtay in ay la soo xiriirtay xubin ka tirsan degmada ayna aad uga argagaxday markii ay maqashay dhacdada “laga naxo”.

Waxay sharraxday sida “beertiisa oo dhan, iyo dalladaha beerta, iyo isaga oo dhan loogu daboolay” saxaro.

Haddaba sidee ayay taasi ku dhacday, oo ma dhammaanteen baa u baahannahay inaan eegno cirka?

Maxaa dhacay?

Muuqaalka kore ee magaalada Windsor
Qoraalka sawirka,Muuqaalka kore ee magaalada Windsor

Ninku wuxuu ku nool yahay Windsor, oo ah magaalo caan ku ah qalcadda ay leedahay Boqoraddu, balse sidoo kale dhinaca ku hayso gegida diyaaradaha ee Heathrow, oo ah tan ugu weyn shanta garoon ee u adeega London.

Ms Davies ayaa tiri, “Waan ogahay in dhacdooyin dhowr ah ay dhacaan sanad walba kuwaas oo la xiriira wasakhda ka soo baxda diyaaradaha.”

“Waxa uu xilligaasi ku sugnaa beertiisa, sidaa darteed runtii waa argagax iyo waayo -aragnimo aad u xun. Waxaan rajeyneynaa inaysan mar dambe ku dhicin mid ka mid ah dadka deggan,” ayay raacisay.

Sidee ayay diyaaradda hawada ugu sii deyn kartaa wasaqda musqulaha ?

Musqulaha diyaaraddu waxay saxarada ku kaydiyaan haama gaar ah, kuwaas oo sida caadiga ah la faaruqiyo marka diyaaraddu soo degto.

Hase ahaatee maamulka duulimaadyada caalamiga ah ayaa qiraya in musqulaha ay dilaaci karaan inta ay hawada ku jirto.

Raadiyaha BBC Berkshire ayaa khabiirka duulista hawada Julian Bray kala hadlay sida ay u dhici karto inuu dillaacaan haamaha oo ay wasakhdu uga soo baxdo.

“Diyaaradaha casriga ahi waxay leeyihiin musqul faaruq ah, sidaa darteed aad bay ammaan u yihiin oo si fiicanna ayaa loo daboolay balse dhibaatadu waxay ka timaaddaa habka musqusha iyo kaydinta,” ayuu yiri Bray.

“Hase ahaatee marnaba ma jiri karto dabool adag oo boqolkiiba boqol ah maadaama ay tahay in xoogaa la dabciyo maxaa yeelay diyaaradu waxay maraysaa heerar kala duwan oo cadaadis ah.”

“Waxa suurogal ah inay halkan ka dhaceen in marka ay diyaaradda ku soo degeyso dhulka, ay tahay inay soo gaarto meel u jirta 1,800 oo mitir dhulka, cadaadiskuna wuu is beddelayaa markaasi marka waxaa dabci kara daboolka haamaha musqusha ee diyaaradda.”

Ma arrinta inta badan dhacdaa?

An aeroplane toilet showing blue disinfectant
Qoraalka sawirka,Musqul diyaarad

“Alle ayaa mahad leh, waa dhacdo aad dhif u ah. Waxay ahaan jirtay wax aad u badan waagii hore oo waxa la yiraahdo barafka buluugga ah ayaa soo bixi jiray,” ayuu yiri Bray.

“Waxaa loogu yeeraa baraf buluug ah halkii laga siin lahaa midab kasta oo kale sababtoo ah waxay ka kooban tahay saxarada iyo jeermis dilaha, ayuu yiri isagoo sii wada sharraxaadda.”

Paul oo ka soo jeeda Iver – oo BBC Radio Berkshire uga waramay khibradiisa ayaa sharraxay mar uu arkay barafka buluug ah ama wasaqda bini’aadanka ee diyaaradaha oo soo dhacaya.

“Waxaan ka soo baxay Isbitaalka Princess Margaret waxaana la kulmay diyaarad Air Canada oo ku duuleysa dabcan heer aad u hooseeya iyadoo ku sii jeedda garoonka diyaaradaha ,” ayuu Paul sharraxay.

Waxa uu yiri waxaan arkay “barafka buluugga ah ee musqusha diyaaradda oo so dhacaya waxaa uuna ku dhacay geedo ii jira meel 3.6 mitir ii jirta oo hortayda ah.”

Hay’adda Duulista Hawada ee Britain ayaa BBC -da u sheegtay sannadkii 2016 -kii in ku dhawaad ​​25 goor la soo weriyay dhicitaanka “barafka buluug ah” ama saxarada jeermiska laga dilay ee bini’aadanka ee diyaaradaha ka soo dhacay.”

“Sannad walba 2.5 milyan oo duullimaad ayaa dul mara hawada UK, balse tani, dabcan, meel walba ayay ka dhacdaa.”

Dhacdooyinka caalamiga ah

Dadka soo weeriyay in la kulmeen dhacdooyinka noocaan oo kale ah waxaa ka mid ah dad u socday xaflad oo ku sugnaa gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Joe Cambray oo ka soo jeeda Levittown ayaa u sheegay TV-ga maxalliga ah in xafladdii dhalashadii 16-aad ee gabadh uu dhalay ay burburtay ka dib markii ay “wax xun ay ku soo da’een goobta munaasabadda”.

“Nasiib wanaag teendhadii ay u diyaariyeen xafladda ayaa inta badan martidii ka gaashaantay wasakhda.”

Dhagax baraf ah oo ku soo dhacday tuulo ku taal gobolka Haryana ee waqooyiga Hindiya bishii Janaayo 2018 ayaa sidoo kale loo malaynayaa inay tahay wasakhada musqulaha ee ka soo daatay diyaaradaha”

The 10-12kg chunk of ice fell on Fazilpur Badli village in Gurgaon district on Saturday with a "big thud".
Qoraalka sawirka,1ok g oo baraf hawada ka soo dhacay ayaa ku dhacy tuulo ku taalla Brazil

Dhanka kale The Times of India ayaa werisay in bishii Diseembar 2015 uu haweeney 60 jir ah ku soo dhacay baraf buluug ah oo la’eg kubadda cagta kaas oo looga shakisan yahay inuu yahay wasakhda musqulaha diyaaradaha .

Andrew Hall oo goob joog ka ahaa kulanka golaha caadiga ah, ayaa sheegay in ninka nasiib darrada ku dhacaday ay ku habboontahay inuu raadsado magdhow la taaban karo.

“Shirkadaha biyaha waxaa lagu ganaaxaa malaayiin marka ay wasakhda ku shubaan wabiyada,” ayuu yiri, “marka ay diyaaradda wasakhdeeda ku shubto madaxa qof bini’adan ah, waxaan u malaynayaa inay taasi ka sii foolxun tahay,”

.

Laakiin Ms Davies ayaa sheegtay in qofka dhibaatadu ku dhacday uu go’aansaday inuusan raadin sheegasho caymis.

BBC -da ayaa la xiriirtay Hay’adda Duulista Hawada ee UK si ay arrintan wax uga weydiiso, laakiin ma aysan helin wax jawaab ah dhowr maalmood ka dib.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here