Dooni sidday Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalka Jabuuti

doon degtay 3

Wararka laga laga helayo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dooni sidday muhaajiriin badan oo ay ku jiraan Soomaali ay ku degtay xeebaha dalkaasi, taas oo ku sii jeeday dhinaca wadanka Yemen.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa 20 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen shilkaasi, kuwaas oo badi lagu la’yahay xeebaha dalkaasi.

Sidoo kale meydadka 5-ta ruux ayaa laga soo saaray badda, waxaana inta badan muhaajiriinta saarnaa doonta ay ka soo jeedaan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale hay’adda socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxaana afhayeen u hadlay hay’adda uu u sheegay wakaaladda wararka ee Anadole in muhaajiriinta qaar laga tuuray doonida, maadaama ay saarnaayeen dad badan.

“Doonta ayaa ka degtay Ulebi oo ka tirsan Jabuuti waxaana ay waday illaa iyo 200 oo muhaajiriin ah oo isugu jiray haween iyo caruur. Kooxaha wax tahriibiya ayaa bilaabay in dadka badda ku tuuraan, kadib markii doonta ay dareentay culeys badan. Waxaana qaar ka mid ah lagu hayaa xarunta ay leedahay IOM,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay hay’adda IOM.

Waa markii saddexaad oo dhacdo noocaan oo kale ah ay ka dhaceyso xeebaha dalka Jabuuti, muddo ka yar oo ay horey ugu geeriyoodeen dad ka badan illaa 70 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here