Dowlada Federalka oo Ciidamo horleh geysay gobolka Gedo

komandoos gorgor ururka4 3

Dowlada Federalka ayaa markale maanta u daabushay ciidamo horleh deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland

Ciidamadan ayaa ah kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab waxaana looga qaaday diyaarad milatari magaalada Muqdisho.

Dowlada Federalka ayaa hore u geysey ciidamada Gorgor oo lagu soo tababaray dalka Turkiga kuwaasoo hadda ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa waxaa ay dowlada federalka ku macneysay inay yihiin kuwo ka qeybqaadanaya difaaca dalka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Maamulka Jubaland ayaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo ku tilmaamtay kuwa hurinaya colaad ka dhacda Jubbaland.

Geynta ciidamadan maanta la geeyay gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya xilli maanta la sheegay inuu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu booqasho ku tegeyo degmada Dhoobley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here