Dowlada Jabuuti oo lacag ugu deeqday dadka ay saameysay fatahaada Beledweyne

djibouti deeq beledweyne

Dowladda Jabuuti ayaa lacag gaareysa lix boqol oo kun oo dollar una dhiganta boqol malyan oo lacagta Frank Jabuuti ah ugu deeqday guddiga fatahaadaha.

Lacagtan ayaa ah tii ugu badneyd oo guddiga fatahaadaha gacanta laga geliyo inkastoo ay jiraan lacago kale oo ay ballanqaadeen hay’ado iyo maamulo ka jira dalka Soomaaliya.

Kumanaan ruux ayaa ka barakacay fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu saacido qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.

Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa u baahan in la saacido kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saameyn ku yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here