Dowladaha Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiday deyn dhan $306 milyan

Somalia France

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub oo ku saabsan deyn cafinta la saxiixatay xukuumada Paris, sida uu sheegay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle oo heshiiskan u saxiixay xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya, Aline Ménager ay la saxiixdeen heshiis deyn cafin ah, kaasi oo qeyb ka ah go’aankii wadamada Paris Club ee la gaaray March 2020.

Deynta cusub ee laga cafiyay Soomaaliya ayaa dhan Saddex boqol iyo lix milyan (306-Million), sida uu sheegay Wasiirka maaliyada Soomaaliya.

“Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wada jir ah u saxiixno heshiis Deyn cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya Aline Ménager” ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020”.

Ugu dambeyntiina waxa uu heshiiskan deyn cafinta ku tilmaamay mid ah guul taariikhgiya oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, isla markaana qeyb ka noqonaya dadaaladii deyn cafinta iyo dib u habeynta maaliyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here