Dowladda Mareykanka oo $50 milyan ku bixinaysa barnaamijka Bar iyo Baro

friendship between somalia and usa

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 milyan, oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan.

Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here