Dowladda Shiinaha maxay u eryaneysaa Imaamyada masaajidyada?

0
muslimiinta Uighur china

Dalka Shiinaha waxaa lagu xiray ugu yaraan 630 Imaam iyo madax kale oo Muslimiin ah tan iyo sanadkii 2014-kii kaddib markii la billaabay howlgallada ka socda gobolka Xinjiang, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub oo ay sameeyeen koox u doodda xuquuqda qowmiyadda Uyghur.

Natiijada cilmi baaristan oo BBC-da lala wadaagay ayaa sidoo kale lagu helay caddeymo muujinaya in 18 wadaad ay ku dhinteen meelihii lagu xiray ama xoogaa kaddib qabashadooda.

In badan oo ka mid ah culumada la xirxiray waxay wajaheen dacwado adag sida “fidinta xagjirnimada”, “isu keenista dadweyne jabiya amarka dowladda”, iyo “kicin ku aaddan gooni u goosad”.

Sida ay sheegeen dad markhaatiyaal ah, waxyaabaha dambiyada laga dhigay ee saleeyay dacwadahan waa kuwo u badan khudbadaha caadiga ah, isu keenista jameecada salaadaha iyo in Imaam la noqdo.

Ururka UHRP, oo ka shaqeeya sidii xuquuq loogu heli lahaa dhammaan dadka, ayaa dabagal ku sameeyay nolosha 1,046 Imaam – kuwaasoo badankood ay kasoo jeedaan qowmiyadda Uyghur – iyagoo isticmaalay warqadaha maxkamadda, markhaatifurka qoysaska iyo wararka warbaahinta dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Inkastoo dhammaan wadaaddaas lagu soo warramay in ugu yaraan hal mar la xiray, kiisaska intooda badan way adkeyd in caddeymo loo helo maadaama ay dowladda Shiinaha aad u xakameysay sida macluumaadka looga helo gobolkaas.

630-ka wadaad ee muddada gacanta lagu hayay 304 ka mid ah waxaa loo diray xabsi, tallaabadaas oo kasoo horjeedda ololaha dowladda ee “dib wax u barista” oo laga sameeyo xeryo ay hayadaha xuquuqda u dooda ku qeexeen in dowladda Shiinaha ay ku xareyso Muslimiinta Uyghur.

Dowladda Shiinaha waxay difaacday xeryaha lagu xiray dadka, iyadoo sheegtay in ay yihiin kuwo ku meel gaar ah “oo wax lagu barto” si looga hortago falalka argagixisanimada iyo xagjirnimada dhinaca diinta.

Xogta laga helay warqadaha maxkamadaha iyo waqtiga xabsiga ee lagu xukumay wadaaddada, taasoo caddeyneysa sida ay u qaabka ay tahay caddaaladda gobolka Xinjiang: 96% ka mid ah Imaamyada iyo wadaadda la xirxiray waxaa lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xabsi ah, 26% waxaa lagu xukumay 20 sano iyo wixii ka badan, waxaana ku jira 14 qof oo xabsi daa’in lagu xukumay.

Xogta la aruuriyay, oo uu cilmi baarista ku muujiyay Abduweli Ayup oo ah nin u dooda xuquuqda dadka Uyghur iyo sidoo kale tan laga soo xigtay dadka dhibaneyaasha ah ee gobolka Xinjiang aad bay uga duwan yihiin tan waaxda caddaaladda Uyghur – waxayna xuseysaa tiro aad u yar oo ka mid ah tirada Imaamyada la qiyaasay ee gobolka Xinjiang.

Laakiin waxay toosh ku iftiimisay shakhsiyaad ka mid ah hoggaamiye diimeedyada oo si gaar ah loo beegsaday, arrintaasoo muujineysa in ay wax ka jiraan eedeymaha dowladda Shiinaha loogu jeediyo inay isku dayeyso sidii ay u burburin lahayd dhaqanka diinta ee dadka reer Uyghur si ay ugu soo darto dhaqanka caadiga ah ee Shiinaha.

Dowladda Shiinaha way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in barnaamijka ka socda gobolka Xinjiang ay ujeeddadiisu tahay oo kaliya in dadkaas “dib wax loo baro” iyo in meesha laga saaro fikirka xagjirnimada ah ee ku jira dadka qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay.

Isku xiritaanka diinta iyo xagjirnimada

Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah.

Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi.

Inta badan dadka la qabtay waxaa lagu xareeyo xeryo la sheegay in “dib wax loogu barayo” – kuwaasoo ah xarumo sida xabsiga oo kale ah oo dadka lagu hayo waqti aan la cayimin. Tirada dadka meelahaas la geeyo ayaa aad u badatay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Aad bay u yartahay in la arko xarumo dadka lagu xiro oo la yaqaanno , sidoo kalena lama helo xogta la xiriirta dacwadahooda, laakiin kuwa la arko waxay kuuminayaan sida ay dowladda isugu xirtay ku dhaqanka caadiga ah ee diinta ay heystaan dadka Xinjiang iyo xagjirnimada ama gooni u goosadka siyaasadda.

Sheegashada sii deynta dadka

Dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, markii ay dunida ka qeylisay xeryaha “dib wax ugu baridda” ee Shiinaha waxay Beijing sheegtay in ay sii deysay inta badan dadkii meelahaas lagu hayay. Tiro badan ayaa lasii dayaay, qaarkoodna waxaa loo baddalay xabsi guri ama qaabab kale oo ay dowladdu kula socoto dhaqdhaqaaqyadooda.

Laakiin hay’adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in dadka badankiis loo wareejiyay xabsiyada caadiga ah.

Sidoo kale waxaa jira caddeymo loo helay in dad kumannaan ah ay wali ku jiraan xabsiyada. Howlgallada dadka lagu qabanayo ee gobolka Xinjiang waxay kordheen 2017-kii iyo 2018-kii, sida lagu sheegay maqaal uu qoray wargeyska New York Times. Waxaa lagu kordhiyay ugu yaraan 230,000 oo qof – kuwaasoo qiyaastii 200,000 ka badan tirada la xiray sanadihii ka horreeyay.

Sida lagu xusay xogta xirxiridda dadka dambiileyaasha ah ee dowladda Shiinaha, dadkii lagu xiray gobolka Xinjiang gudihiisa waxay noqdeen 21% sanadkii 2017-kii marka la barbar dhigo guud ahaan dadkii lagu xiray waddanka intiisa kale. Tirada shacabka gobolkaas ku nool waa 1.5% marka loo eego tirada guud ee shacabka.

Dadka lagu hayo xeryaha xabsiga loo ekeysiiyay waxay fursad u heystaan in lasii daayo, laakiin sii deynta gudaha gobolka Xinjiang ma aha mid ka dhigan xornimo.

Dadka u dhuun daloola arrimaha ka socda gobolka Xinjiang waxay sheegeen in ilaa 16,000 oo masjid laga dumiyay gobolkaas. Tiradaas waa hal meel oo ka mid ah marka saddex meelood loo dhigo masaajidyada ku yaallay Xinjiang.

Nin magaciisa lagu soo koobay Memet oo ka mid ah dadka u dhashay qowmiyadda Uyghur ee ka qaxay Xinjiang ayaa BBC-da u sheegay in aabihiis la xiray sanadkii 2017-kii kaddib markii uu sannado badan Imaam u ahaa si nabad ah.

Muddo sannado badan ah ayuu sheegay in uu xaaladda qoyskiisa kala socdo xog loo soo gubiyo oo kaliya, maadaama uu aad uga fog yahay.

Magacyada dadka qaar waa la baddalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here