DOWLADDA SOOMAALIYA OO GAADIID DAGAAL LA WAREEGTAY

Gawaarida Gaashaaman2

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo lagu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka kumaandooska Gorgor.

Gaadiidka dagaalka ayaa isku jira gawaarida gaashaaman ee aan baxadu karin, kuwa xamuulka loo isticmaalo iyo booyado.

Munaasabad lagu qabtay gudaha dekedda Muqdisho ayaa wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kula wareegeen gaadiidka.

Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay weheliyaan saraakiil Turki ah ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gaadiidka dagaal.

Turkiga ayaa dhanka milatariga ka taageera Soomaaliya, wuxuuna tababar iyo qalabayn siiyaa ciidamada Gorgor iyo Haramacad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here