Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatay qaraar culus oo ka dhan ahaa Mareykanka

danjire Abuukar Balle

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay qaraar ka dhan ahaa Mareykanka, kaas oo ka soo baxay golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, isla-markaana looga soo horjeeday xiyaaradda Mareykanka uu saaray Cuba.

Qaraarkan oo ahaa mid xasaasi ah, laguna cambaareynayey Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka gaabsaday saddex dal oo kale oo Soomaaliya ay afar ku noqoneyso, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Myanmar, Moldova iyo sidoo kale Soomaaliya.

Mareykanka ayaa cuna-qabateyta uu saaray Cuba ku sheegay inay aas-aas u tahay inay dalkaasi ka hirgasho dimuqraadiyad, sida uu shaaciyey Rodney Hunter oo ah isu-duwaha arrimaha siyaasadda howl-galka Mareykanka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“Cunaqabateyntu waa dariiqa sharciga ah ee lagu gaari karo siyaasada arimaha dibada, amniga qaranka, iyo ujeedooyinka kale ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri.

Si kastaba waxaa qaraarka ka soo baxay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay taageeray illaa 184 wadan, halka ay kasoo horjeesteen Mareykanka iyo Israel.

Xiyaaradda dhaqaale ee saaran Cuba ayaa waxaa soo rogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, wuxuuna saameyn ku yeeshay Cuba oo daris la ah Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here