Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xukunka dilka ah ee lagu riday askar ka tirsan AMISOM

astaanta soomaaliya

Dolwadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso xukunkii maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ay ku ridday Labo ka mid askartii lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku laayeen gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo u dhashay Uganda, waxaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah sidoo kale waxaa magdhow la siin doonaa ehaladii dadkii la laayay.

Wasiirka cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay In xukunkan fulintiisa ay dowladda Soomaaliya dabagal iyo hubin ku sameyn doonto meesha uu ka dhici doono isla markaana ehalada iyo qareenndoodu ay goob jooga ka ahaan doonaan uuna u dhici doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Kiiska noocan oo kale ah hadda ka hor dalka kama dhicin laakin gudaha haka dhaco ama Uganda haka dhacdo, dowladda Soomaaliya iyo eheladaba waa laga marqaati gelin doonaa” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo BBC u warramayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here