Dowladda Soomaaliya oo ka hortegtay hubka culus iyo rasaasta

hub

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay ka hortegtay hub iyo rasaas la doonayey in sharci darro dalka lagu soo geliyo, waxaana arrintaasi faah-faahiyey wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hubka uu yahay mid aad u culus, islamarkaana la doonayey in mar labaad lagu bur-buriyo dalka.

Dubbe ayaa tilmaamay in hubka oo ah mid fara badan la rabay in xuduudaha laga soo khal-khal geliyo, wuxuuna uu hoosta in aysan ogolaan doonin in dalka la burburiyo.

“Duulaamadu way fara badan yihiin xittaa waxaa jiray hub culus oo la doonayey in xuduudaha oo dhan laga soo khal-khal geliyo, dalkani 1991-dii ayuu burburay mar dambe ma ogolaaneyno anagoo nool oo taagan in hub lagu burburiyo oo banaanka laga keeno,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii daray in ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana lala xisaabtamayo cidkasta oo ku howlaneyd hubkaasi, sharcigana la horgeynayo.

“Hubka aan sheegeyno ma’aha wax fudud waa hub aad u culus oo la rabay in dalkan mar labaad lagu rogo, lagu quxiyo, waa ku daba jirnaa waana lagula xisaabtamayaa sharcigana waa la horgeynayaa,” ayuu sii raaciyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya shaacisay in hubka ay ka hortegtay ay isku baheysteen inay dalka soo galiyaan hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, balse ay fashiliyeen laamaha amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here