Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday canshuur-dhaaf cuntooyinka daruuriga ah

wasiirka maaliyadd somalia bayle

War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada.

Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus.

Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%.

Canshuur dhaafka waxaa lagu sheegay qoraalka in uu dhaqan gelayo 15-ka bishan Abriil, oo ku beegan Arbacada berrito.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirra galineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha dalka, si dalku u gaaro isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysaneyso dhaqaalaha wadanka maadaama uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga.

Ugu dambeyntii Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay ku raadineyso dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xooga leh ee ku soo fool leh Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu sababi karo xanuunka caalamka wada saameeyay ee COVID-19.

Halkan ka Daawo wasiirka maaliyadda oo sharaxaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here