Dowladda Turkiga oo soo dhaweysay go’aankii xildhibaanada Golaha Shacabka

wasiirka arimaha dibada turkey

Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweysay go’aankii xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana ballanqaaday in ay garab taaganyihiin Walaalahood Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa qoraalkan ku shaacisay in marxaladan adag ay ku garab taagantahay dadka saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ee Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here