Dowladda UK oo shaacisay tirada askarta ay Soomaaliya u tababartay

ciidan qaybta 60aad6

Dowladda UK ayaa sheegtay iney Soomaaliya u tababartay ilaa 113 askari oo ah dufacadii ugu dambeysay kuwaas oo qeyb ka ah 500 askari oo loogu talagalay iney xoojiyaan la dagaalanka dagaalyahanada Al-Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Tababarkaan oo soconayay muddo laba bilood ah ayaa lagu tababaray saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana loogu talagalay iney hawlo amni ka fuliyaan deegaanada Koonfur Galbeed iyagoo beegsanaya Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyadii kale ee hubeysan.

UK ayaa tababarka uu ku tababarayo 500 askari bilaabay September 2019, balse dufcadaan waxey aheyd middii ugu dambeysay oo ay tababar u sameysay.

Dowladda Ingiriiska waxey ballan qaaday iney dhiseyso xero ciidan oo qaadi karta markii 450 askari taasoo laga hirgalin doono magaalada Baydhabo, sidoo kale waxey ku wareejiyeen ciidanka gaadiidka dagaalka.

“Talaabadan waxay muujineysaa sida ay Britain uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sugida amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyadoo lala dagaallamayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah danaha UK ee gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri Forces James oo ah wasiirka ciidamada UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here