DR. BILLAAL KHALIIF OO BALAN QAADAY INUU BIXINAYO MUSHAHARKA SHAN ASKARI BIL WALBA

ciidamada danab2

Dhaqtar Billaal Khaliif oo ah dhaqtar ku dhaqan dalka Denmark ayaa fariin uu bartiisa Facebooka soo dhigay ku sheegay inuu Ciidamada Soomaaliya ugu tabarucayo inuu bil walba bixin doono mushaharka 5 askari oo ka tirsan Ciidamada Qalab sida ee Soomaaliyeed.

Dr Billaal oo wax laga weydiiyey sababta ku kaliftay inuu balan qaado 5 askari mushaharkood, ayaa sheegay inuu mudo dheer sugayey Dawlad Soomaaliyeed iyo Ciidan Qaran oo dhisma, aakhirkiina ay u muuqatay.

Dhaqtarka ayaa cadeeyey inuu si weyn ugu qancay hawlgaladdii ugu dambeeyey ee Ciidamada Soomaaliya ka fuliyeen Galmudug iyo Gobolka Gedo.

Dr Billaal ayaa intaas ku daray inay la soo xiriireen dhakhaatiir kale oo ay ka wadahadlayaan inay booqdaan Ciidamada oo gurmad caafimaad u fidiyaan iyaga iyo Reerahooda intii ay awoodaan, si ay dhiirigelin ugu noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here