Dufaantii ugu horreeysay ee sannadkan 2020-ka ayaa ku dhufatay xeebaha koonfurta Texas. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay waxyeellada ay geysan karto duufaanta Henna oo wadata roobab iyo dabeylo xooggan.
Barasaab Greg Abbott ayaa 32 uga dhawaaqay musiibo, waxa uuna sheegay in fayraska corona uu sii adkeynayo adeegyada gar-gaarka deg-degga ah.
Duufaanta Hanna ayaa Sabtidii ka bilaabatay Jasiiradda Padre, waxayna haatan ku faafeysaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Corpus Christi iyo Brownsville.
Duufaanta oo uu xawaareheedu gaaray ilaa 145km saacadiiba ayaa waxay si xowli ah guryaha uga qaadeysaa saqafyada.
Xarunta Duufaannada ee Mareykanka ayaa ka digtay in dhibaatooyinka duufaantan ay ku sii baaheyso qeybo ka mid ah xeebaha Texas. Waxayna xarunta dadka deegaanka ku boorisay iney raacaan hadalka hay’adaha ka shaqeeya adeegyada deg-degga ah.
Waxaa la filayaa in duufaantu ay inta baan deegaanka Houston ku dhufuto waa sida laga sigtay warbixinta Houston Chronicle.
Dhanka kale Duufaanta Douglas oo wadata dabeylo xawaarohooda gaarayaan 90mph ayaa ku soo fool leh Hawaii sida ay sheegtay Xarunta Duufaannada ee Mareykanka waxayna ka digtay in dufaanta ay wadato roobab horseedi kara daadad.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay in maamulkiisa ay si dhaw ula socdaan duufaannada” Waxaanu sii wadeynaa inaan si dhaw ula sii socono labada gobol,” ayuu yiri Trump.
Duufaanta Hanna ayaa ku dhufutay gobolka Texas oo markii horeba la daalaa dhacayay dhibaatooyinka uu horseeday fayraska coorna. In kabadan 380,000 oo kiis ayaa laga xaqiijiyay gobolka halka dhimashadana ay ku dhowdahay 5,000 oo qof.