Duuliye loo ganaaxay anshax xumo uu ku kacay xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay

Southwest Airlines

Duuliye horay uga tirsanaa shirkadda diyaaradaha ee US airlines ayaa qirtay inuu sanadkii hore ku dhaqaaqay fal anshax xuma ah xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen Michael Haak, oo 60 jir ah inuu haweeney kula sugneyd qaybta diyaaradaha laga hago uu daawashiiyey filin anshax xuma ah.

Inta ay diyaaradda ay leedahay Shirkadda Southwest Airlines hawada ku jirtayna, Haak wuxuu ku dhaqaaqay fal anshax xuma ah oo aan loo baahneen iney ka dhacaan halka diyaaradda laga hago.

Garsooraha maxkamadda Maryland oo dacwaddaasi qaadayna wuxuu duuliyaha uu ku xukumay inuu bixiyo $5,000 oo doolar oo ganaax ah.

Dhacdadaasi oo la sheegay iney dhacday xilli ay diyaaradda ka soo kicitintay gigada diyaaradaha caalamiga ah ee Orlando oo ku yaalla Philadelphia 10-kii August 2020.

Diyaaradda markii ay gaartay jooggii ay ku duuli lahayd ayuu duuliye Haak uu ka soo kacay kursiga duuliyaha si ula kac ahna wuxuu u guda galay daawashada filinka anshax darrada ah.

“Haak wuxuu ku dhaqaaqay falal anshax xuma ah oo aan loo baahnyn isaga oo falkaasi kula dhaqaaqay haweeneydii duuliyaha ahayd ee shaqada ku wehlisay xilli ay haweeneydu waajibaadkeeda shaqo gudaneysay” ayuu yiri dacwad oogaha xilliga uu qoraalka dacwadda soo bandhigayey.

Haak oo aan horay ula kulmin haweenyda duullimaadka ku wehlisay.

“Duuliyaha wuxuu xaq u leeyahay inaan dacwadda noocan ah lagu qaadin iyada oo aan la eegin waxa ku kallifay ama waxa ku dhiirriyey falkaasi” ayuu yiri kaaliyaha garyaqaanka Mareykanka Michael Cunningham oo u warramayey wakaaladda wararka ee AP.

Maxkamad ku taalla Maryland ayaa kiiskiisa qaadday maadaamaa ay diyaaraddu hawada Maryland ay mareysay xilliga ay arrintan dhaceysay. Inkasta oo uu isaguna qirtay inuu falkaasi foosha xun uu ku sameeyey meel fagaara ah.

Farriin muuqaal ah oo uu duuliye Haak soo duubay wuxuu raalli gelin uu ka bixiyey sida uu u dhaqmay, wuxuuna intaa ku daray “Ficilkaasi inuu ahaa kaftan (prank) naga dhaxeeya aniga iyo duuliyaha aan wada shaqeyneynay. Mana fileyn iney arrintan dhici doonto.”

Garsooraha Maxkamadda J Mark Coulson ayaa duuliye Haak u sheegay sida uu u dhaqmay iney rakaabka iyo duuliyaha kale ee ay shaqada ku wada jireenba saameyn uu ku yeelanayo.

Duuliya Haak ayaa shirkadda diyaaradaha Southwest Airlines 27 sano duuliye ka soo ahaa ka hor inta uusan bishii August ee sanadki hore howsha uu howlgabnima uga fariisan.

Bayaan ay shirkadda diyaaradaha Southwest Airlines amuurtan ka soo saartay waxay ku sheegtay “Dabeecadaha noocan ah iney u dul qaadaneyn cid kasta oo ficillada noocan la timaaddana iney tallaabba adag ay ka qaadeyso.”

Afhayeenka shirkaddana wuxuu sheegay dhacdadani iney shirkaddu cashar ka baratay, kaddib marki uu duuliye Haak u si iskii ah uu shaqada uga tagay.

Shirkadda Southwest Airlines uu duuliyaha u shaqeeynayey ayaa Haak ka jojisay wixi macaash ah uu xaqa u lahaa inuu helo marka uu howlgab noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here