Erdogan oo Mareykanka laba mid kala dooransiiyay

madaxweyne erdogan

Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa sheegay xilli uu magaalada Sochi kulan kula lahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in sidoo kale ay ajandayaasha ku jiraan tallaabooyinka la qaadi karo ee quseeya diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta badda hoosteeda ee uu Ruushka kala hadlaya. Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday muranka kala dhexeeya Mareykanka oo ay diyaarado F-35 ka iibsanayaan.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan u furneyn ka wada hadalka hannaanka gaashaan dhigga ee hubka S-400 ee Ruushka ka gatay balse ka careysiisay Mareykanka.

Erdogan ayaa yiri, ” Arrin kalena waxay tahay inaan tallaabooyin badan si wada jir ah ugu qaadi karno sameynta maraakiibta. Ilaa aan ka gaarno kuwa badda hoosteeda, Ruushka ayaanu tallaabooyin isla qaadi doonnaa, oo aan iska kaashan doonaa,” ayuu yiri.

Mar uu weriyeyaasha kala hadlayay warsaxaafadeedkooda ku saabsanaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee maamulka Biden iyo “dhibaatooyinkii maka sii dareen?”ayuu Erdogan su’aashaas uga jawaabay isagoo farta ku fiiqaya shirka isaga iyo Biden ku dhexmari doono Rome.

Isagoo tilmaamaya in Biden ay ku kulmi doonaan shirka G20 ee bisha soo socota ka dhacaya Rome, ayuu madaxweynuhu yiri, “Waxaan rajeynayaa inaan Glasgow ka aadi doonno halkaas. Waxaan ku kulmi doonnaa Glasgow sidoo kale. Waxay ka dhigan tahay in xoogaa tallaabooyin fiican la qaaday.”

Inta uu socdo shirka Rome, ErdoÄŸan wuxuu carraabaabay in xaaladda ugu dambeysa ee Suuriya, dhammaan xiriirrada militari, siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsiga iyo arrinta F-35 ay yihiin waxa ugu horreeya ee miiska saaran:

“Halkee ayuu Mareykanku ka taagnaan doonaa Suuriya? Waxaynu heli doonnaa fursad aan ugala hadalno. Waxaynu ka wada hadli doonnaa dhammaan xiriirrada militari, siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsi ee inoo dhaxeeya. Tusaale ahaan, maxaa ku dhici doona arrinta F-35? Waxaynu bixinnay 1 bilyan iyo 400 oo milyan oo doollar. Maxay tani noqon doontaa? Maxaa ku dhici doona?” “Lacag badan ayaan heysannaa, balse ma nihin dal la isaga cayaaraya. Lacagtan si fudud kuma aynaan helin. Ama diyaaradaheenna ayay na siin doonaan amaba way noo celinayaan lacagteena.”

‘Ujeeddo gaar ah kama lihin inaan la kulmin Taliban’

Mar uu ka hadlayay xiriirka Taliban ee Afghanistan, ayaa Erdogan wuxuu yiri, “Wax ujeeddo gaar ah kama lihin inaynaan la kulmin Taliban haddii ay Taliban nala shaqeyso. Sababtoo ah dadweynaha Afghanistan waa dad leh taariikh dheer oo ka soo bilaabata boqollaal sano. Haddii maamulku soo qaban qaabiyo, waynu yeelan karnaa dhammaan noocyada wada xaajoodyada. Albaabkeennu sidoo kale arrintan wuu u furan yahay,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here