Erdogan oo shaaciyey inaysan hakad gali doonin tijaabada nidaamka difaaca hawada ee S-400

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyey inaysan marnaba hakad gali doonin tijaabada nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee uu sameeyay Ruushku.

Erdogan ayaa si rasmiya u shaaciyay in dowladiisu ay bilowday inay tijaabiso nidaamkaasi, isla markaana aysan cidna uga amar qaadan doonin awood kasta oo ku jirta gacanta Ankara.

Madaxweynaha ayaa iska dhago tiray walaaca Mareykanka uu ka qabo tijaabada nidaamka difaaca uu sanceeyo Ruushku, kaasi oo uu Washington u aragto arrin halis galin karta amniga qowmiga.

“Tijaabooyinka waa la qaaday, waana la sii wadaa. Gebi ahaanba nama khuseeyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan arrinta” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo u waramayey warbaahinta maxaliga.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii aynaan tijaabin doonin awoodahan aan haysanno, markaa maxaan sameyneynaa?”, midaasi oo uu kusii xoojinayo inaysan Ankara cidna uga amar qaadan doonin horumarinta awoodaheeda.

Hadalkan ayaa dab kusii qabtay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga oo xiligan u muuqata inay mareyso meeshii u sareysay, kadib markii ay Washington si carro leh uga jawaab celisay.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa saacado un ka dib hadalka Erdogan ku sifeeysay mid wada xeelad uu ku khiyaameynayo xulafadiisa.

Washington ayaa ku doodeysa in tijaabada uu ku adkeysanayo Turkigu ay khatar gelineyso cawaaqib xumada xiriirka labada dal, gaar ahaan midka amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here