Erdogan oo wacad ku maray tallaabo kadib markii Charlie Hebdo ay ku dhaqaaqeen fal laga yaq-yaqsoodo

madaxweyne erdogan

Wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa baahiyey sawir gacmeed ‘laga yaq-yaqsiyoodo’ oo uu ka sameeyay madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, xili ay sii xoogeysatay xiisada labada dal.

Erdogan ayaa si caro leh uga fal-celiyay sawirkaasi aflagaadada ah ee wargeyska Faransiiska uu ka baahiyey, iyada oo xafiiskiisuna uu wacad ku maray inuu ka qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah iyo mid diblomaasiyadeedba.

Sawir gacmeedkan aflagaadada ah ayaa muujinaya qof loola jeedo madaxweyne Erdogan oo kursi ku fadhiya isaga oo xiran nigis, gacantana ku haysta koob qamri ah, halka uu marada ka qaadayo haween xijaaban. 

Xukuumadda Ankara ayaa waxay u yeertay diblomaasiga labaad ee u sareeya Faransiiska ee ku sugan dalkeeda, maadama uu maqan yahay safiirka dowladaasi oo dhawaan looga yeeray Paris, sida uu baahiyey Taleefishinka NTV ee Turkiga.

Wuxuuna ugu dambeyntiina Erdogan sheegay inuusan arkin sawir gacmeedka ay ka sameeyeen Charlie Hebdo, midaasi uu ku tilmaamay inuusan rabin in uu qiimo ugu yeelo wargeys aan anshax laheyn.

Sawir gacmeedka Charlie Hebdo ayaa yimid un maalmo kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, kadib markii madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron uu u gefay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed NNKH.

Si kastaba, xiisada ka dhalatay hadalada qalafsan ee uu madaxweyne Macron ugu gafayo diinta suuban iyo Nebi Muxamed NNKH ayaa kasii dartay, maadama ay si weyn uga caroodeen umadda islaamku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here