Erdogan oo xarigga ka jaray masaajid uu dhismahiisu muran badan ka dhashay

masaajidka taksim turkey

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul-kaas oo qorshaha dhisitaankiisa uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii.

Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha.

Masaajidkan ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk.

“Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shaley salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe”

Wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka.

“Haatan, ma jirto cid hor istaagi karto barnaamijkan” ayuu yiri Erdogan.

Dad ku cibaadeysanayay fagaaraha
Qoraalka sawirka,Dad ku cibaadeysanayay fagaaraha

Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii.

“Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Gudaha masaajidka Taksim
Qoraalka sawirka,Gudaha masaajidka Taksim

Dadkii musalliinta ahaa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka, masaajidka waxaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa in ilaa 4,000 qof.

Abuzer Koç oo kamid ah dadkii kusoo tukaday masaajidka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in horraan masaajidda ay yaraayeen marka loo barbardhigo tirada dadka muslimiinta ah.

Wuxuu intaas ku daray, “Allah ha barakeyo dadka suurtageliyay arrintani”

Madaxweyne Erdogan oo khudbad u jeedinayay dadkii ku tukunayay masaajidka
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Erdogan oo khudbad u jeedinayay dadkii ku tukunayay masaajidka

Dadka dhaleeceeya siyaasadda Erdogan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isku dayayo in uu xiddidada u siibo mabaadii’da cilmaaniga ee Turkiga.

Sanadkii 2013 waxaa Turkiga ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday in masaajid laga dhiso barxadda Gezi ee ku taalla fagaaraha Taksim, waxay sidoo kale banaanbaxyo ka dhan ah arrintaas ka dhaceen meelo ka tirsan caalamka.

Mudaaharaadyadu waxay ka billawdeen qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay dib ugu dhista fagaaro ay dadku ku nastaan.

Wax ku bilowday qorshaha ay dowladda dib u dhiska uga sameyn rabtay fagaaraha ayaa markii dambe waxaa ka dhashay caro xooggan oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda gaar ahaan waxa dadka dibadbaxyaasha ay ku tilmaameen ‘diktaatooriyadda’ Erdogan ee sii xoogeysaneyso.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here