Ergayga Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray Dhuusamareeb

james swan

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Galmudug.

James Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Intaasi kadib ayaa wakiilka Qaramada Midoobay iyo xubnaha la socda loo galbiyey madaxtooyada Galmudug oo uu kulan kula yeelan doono madaxweyne Qoor-Qoor.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan is marin-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka 2021-ka.

Swan ayaa maalmihii u dambeeyey wada wadatashiyo ku aadan muranka ka jira doorashooyinka, isaga oo kulan hab maqal iyp muuqaal ah la yeeshay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidan hannaanka doorashad 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here