Ergaygii hore ee QM ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo geeriyooday

Augustine Mahiga

Warbaahinta gudaha ee wadanka Tanzania ayaa saaka warisay inuu gudaha dalkaasi ku geeriyooday ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga.

Dowladda Tazania ayaa sidoo kale xaqiijisay geerida Mahiga, kadib markii uu ku soo booday xanuun deg-deg ah oo sababtay geerida ku timid.

Augustine Philip Mahiga ayaa ahaa wakiilka QM ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2010-kii, illaa 2013-kii, kaas oo saameyn ku lahaa arrimaha gudaha ee dalka.

Sidoo kale wuxuu haatan ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Dodomo.

Tanzania oo xilligan la daala dhaceyso Covid-19 ayaan weli faah faahin nooca cudurka ee uu u geeriyooday Augustine Mahiga oo ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada caasimada ah ee Dodomo, kadib markii isagoo joogo gurigiis uu ku soo booday xanuunka.

Geerida ku timid Mahiga waxaa ka tacsiyeeyey Madaxweynaha wadankaasi Tanzania, John Magufuli, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, isaga oo qoraalkaan sidoo kale ku sheegayn in dowladdiisa ay aad ugu murugootay geeridaasi.

Augustine Philip Mahiga oo ahaa diblumaasi sare ayaa ka soo shaqeeyey wadamo badan, wuxuuna dhashay 28-ka bishii August ee sanadkii 1945-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here