ERITREA OO DIB UGU YEERTAY CIIDANKEEDA KEYDKA AH SI AY U DAGAAL GALAAN

isaias afwerki

Abaabul ciidan ayaa ka socda dalka Eritrea, kaasoo looggu yeeray ciidanka keydka, illaa da’da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan unagarba buuxiyaan ciidanka, sida ay wararku sheegayaan.

Maalintii Khamiista, qaar badan oo kamid ah dadka ku nool caasimadda Asmara, ayaa ogeysiisyo la siiyay, waxaa saacado gudahood loo qaaday jiidaha hore ee soohdinta uu waddankani la wadaago gobolka Tigray ee Itoobiya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC Tigrinya.

Ciidamada kaydka ah ee ku sugan meelo badan oo dalka ka mid ah, ayaa sidoo kale loo sheegay inay iska xaadiriyaan xafiisyadooda guud.

Dhawaanahan ayaa waxaa sii xoogeysanayay isu soo baxyada ka socda meelo badan oo ay Asmara ka mid tahay. Ciidamada ammaanka, ayaa dadka joojinaya, si ay u hubiyaan in laga reebay ka qeyb galka ciidamada iyo in kale.

Qaar kamid ah kuwa kaydka ah, ayaa loo sheegay inay keenaan jiscinkooda, sida bustayaal iyo weelasha biyaha.

Waxaa la arkayay Hooyooyin, Caruur iyo Xaasas ooyaya, iyagoo sagootinayay wiilashooda, aabayaashood, walaalahooda iyo si guud raggooda.

Abaabulkii ugu dambeeyay, ayaa abuuray cabsi laga qabo in colaada ka aloosan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ee dariska la ah inay kasii darto.

Dagaallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega, ayaa dib u billowday bishii hore, kaddib shan bilood oo xabbad joojin bini’aadinimo ah ay jirtay.

Hoggaamiyeyaasha Tigray-ga, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay la safatay ciidamada Itoobiya, ee ku sugan qaybaha galbeed ee xadka ay wadaagaan.

Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea kama aanay jawaabin ashtakooyinka loo soo jeediyey, laakiin mas’uuliyiinta Eritrea waxay ku eedeeyeen ciidamada Tigrayga inay qorsheynayaan inay weerar kusoo qaadaan.

Ciidamada Ereteriya oo garab ka helaya ciidamada dawladda Itoobiya, ayaa wajigii hore ee dagaalka kula dagaalamay ciidamada Tigreega gobolka Tigray. Waxaa lagu eedeeyay gabood-falo, taasoo saraakiisha Eritrea ay beeniyeen.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ciidamada difaaca Eritrea, iyo ururka PFDJ ee haya talada dalkaas, taasoo jawaab u ah ku lug lahaanshaha colaadda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here