Ethiopia oo ku dhowaaqday inay dhammaan ciidamada qaranka dagaal gelineyso

ethiopian army

Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah.

Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda.

“Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horeysay oo maalintii Jimcaha aheyd, afhayeenka Jabhadda TPLF ee Tigray-ga Getachew Reda ayaa ku gacan seeray baaqyo ku saabsan inay ka baxaan gobollada Afar iyo Amhara.

Hadalladiisa ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada ay qabsadeen magaalada Lalibela, oo ah dhaxal caalami ah oo ay aqoonsan tahay hay’adda UNESCO, oo ku taalla gobolka Amhara.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii June ku dhowaaqay xabad-joojin hal dhinac ah kadib markii ciidamada Tigrayga ay dib u qabsadeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

Saraakiisha ugu sarreysa Mareykanka ayaa ugu baaqay TPLF inay ka baxeen gobollada ku yaalla bariga iyo koonfurta Tigray, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka ayna taa beddelkeed diiradda saaraan wax ka qabashada “musiibada” bani’aadaminimo ee Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here