Faah faahin dagaal culus oo ka socda xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso

war deg deg

Koox dabley ah ayaa caawa weerar culus ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalo ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa isu rogay dagaal toos ah oo dhexmaray kooxda iyo ilaalada xabsiga weyn, waxaana markii dambe ku soo biiray Ciidamo ka tirsan Laamaha Amniga Boosaaso.

Warar hordhaca ayaa sheegaya in Kooxdu ay gudaha u galaan xabsiga oo qabsadeen, halka warar kalena ay sheegayaan inay iska caabin xooggan kala kulmeen ilaalada xabsiga, kuwaas oo durbadiiba gurmad culus ka helay Ciidamada kale ee Puntland.

Waxaa la xaqiijinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli la helin khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale, waxa jirta in hoobiyaal bannaanka laga soo riday ay khasaare kala duwan gaysteen, balse aan tiro sax ah laga hayn.

Xabada ayaa socota xiligan oo saacadu tahay 01:48 Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here