Faah-faahin ka soo baxaysa dagaalkii Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlu sunna

Dhuusamareeb2

Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ku soo laabanaya dadkii ka qaxay dagaalkii shalay magaaladaasi ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga. Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan. Dagaalkan oo aan weli war rasmi laga soo saarin khasaaraha ka dhashay, ayaa la soo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysay.

Dadka deegaanka ayaa se weli ka cabsi ka qaba in mar kale iska horimaadyo ka dhacaan magaalada. Maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheeganaya inay gacanta ku hayaan magaalada halka kooxdii soo weerartay, ee Ahlu Sunna Waljamaaca weli wax war ah dhankooda aaney ka soo saarin dagaalkan.

Magaalada ayaa laga dareemayaa saameynta dagaalka oo waxaa yar dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka dadweynaha waxaana shalay jiray guryo ay ku dhaceen madaafiicdii iyo hubkii kale ee la isku ridayay. Xog ay BBC-du heshay ayaa sheegaysa in ciidamada Ahlu sunna ay hadda joogaan deegaan lagu magacaabo Sangooy oo u dhow Dhuusamareeb sidoo kalana u dhow deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen dagaallamayaasha Ahlu sunna,tan iyo markii laga saaray Guriceel.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada laga saaray ciidankii soo weeraray ee Ahlu-Sunna, sidoo kale khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ayuu sheegay in guddi gaar ah loo xir saari doono. Hay’addaha samafalka ayuu ugu baaqay guddoomiye Geedoqorow inay gacan siiyaan dadka ka cararay dagaallada ee haddana doonaya in ay dib u soo laabtaan.

Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa labaduba ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada dhici doonta Axad.

Marka laga soo tago guddoomiyaha Dhuusamareeb oo ka hadlay xaaladdan hadda taagan, ma jirto cid kale oo ka tirsan madaxda Galmudug oo dagaalka ka hadashay, waxaana dagaalku ku soo aadayaa xilli uu jiro mashquul badan maadama barri oo Axad ah ay dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Markii laga saaray Guriceel, Ahlu Sunna ayaa saldhig ka samaystay deegaanka Bohol, waxaana maalmo ka hor ay sameeyeen wax u muuqday dhoolatus milateri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here