Faah-faahinta qaraxii caawa lala beegsaday hotelka taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya

Gaalkacyo

Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga heleyaa qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari Cabdi-bile ah oo taagnaa banaanka Hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Weriyaal gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ilaa lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah oo halkaas goobo ganacsi ku lahaa ay ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale dhaawacyada ka dhashay qaraxaas ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 10 ruux oo dadkii goobta ku sugnaay ah, kuwaas oo iskugu jiray askar iyo shacab.

Aaga uu qaraxu ka dhacay waxaa ka dantay korontada waxaana jira mugdi taas oo sii adkeynaysa xaaladda, caqabadna ku ah u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Hotelka uu qaraxu banaakiisa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaallaa gadiga koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa saraakiil ciidan oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyeen taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale, kuwaas oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in saraakiishii ku jirtay hotelka ay bad-qabaan, hase yeeshee ciidamo iyo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here