Faahfaahin Askari ka tirsan ciidanka Haramcad oo shalay lagu dilay degmada Guriceel

sadiiq faarax xuseen haramcad

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan dil shalay gelinkii dambe loogu geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud askari ka tirsnaa Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in dilka askariga uu yimid ka dib markii ay rasaas fureen askar kale oo ku  sugneyd ilinka Hotelka Beder ee Guriceel oo galinkii dambe ee shalay la dajiyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo safar ku gaarey Guriceel.

“Askariga dhintay iyo askar kale oo la socotay ayaa saarnaa gaari nooca raaxada ah oo Ciidamada ilinka hotelka ilaalinayay ay ka shakiyeen ka dib markii uu xowli uu ku soo gaaray albaabka hotelka taasoo sababtay in rasaas ooda looga qaado” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyey ee Guriceel laga helayo ayaa waxay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamadii rasaasta furay la xirey, waxaana socda baaritaan la xiriira sida uu shilkan u dhacay iyadoo arrintan ay soo fara geliyeen madaxda iyo saraakiisha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here