FAAHFAAHIN DHEERAADA WEERARKII XALAY EE PEARL BEACH

pearl beach hotel

Waxaa saakay hoteelka Pearl Beach ee magaalada Muqdisho ku sii qulqulayay dad baadigoobaya qaraabadooda, kadib weerar xalay loo geystay hoteelkaas.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in sagaal qof oo ay ku jiraan lix rayid ah lagu dilay weerarka xalay lala beegsaday hoteelkan.

Toddobo nin oo al- Shabaab ka tirsan ayaa galay hoteelka Pearl Beach fiidnimadii xalay tan oo sababtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmaan, sida lagu yiri war-saxaafadeedka booliiska.

In ka badan 80 qof ayaa laga soo badbaadiyay hoteelka, sida uu sheegay booliiska.

Waxaa intaa dheer, Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha adeegga Aamin ambulance, ayaa sheegay in kooxdiisa ay goobta ka soo qaadeen in ka badan 20 dhaawac ah.

Howlgalka lagu soo afjarayay weerarkan ayaa dhammaaday arroortii hore saakay, iyadoo dhammaan raggii weerarka soo qaaday uu booliiska Soomaaliya sheegay inay dileen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegtay inay dileen in ka badan 20 qof.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kadib markii Al- Shabaab ay tiro ciidamada Uganda ah ku dileen deegaanka Buulo Mareer oo 110 km koofur kaga began Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here