Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay qarax gaarigiisa loogu xiray Agaasime Koofi

qarax muqdisho 2272019

Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari lagu xiray oo goor dhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, qaraxaas waxaa gaarigiisa loogu xiray Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo mid yahay askari ka tirsanaa ilaalada Agaasime Koofi iyo qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyootay qaraxaas.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa, in kastoo aan weli tiradooda rasmiga ah la ogeyn.

Qaraxa waxaa ka badbaaday Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi oo gaarigiisa loogu xiray.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aada dhan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, meel aan sidaas uga fogeyn hotelka Afriik.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here