Faahfaahin qarax caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir

qarax muqdisho 2272019

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka soo saaray qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya.

Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here