Faahfaahin Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Marko iyo Laftagareen oo ka tacsiyeey

Laftagareen2

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiro guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdullaahi Cali Waafow.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid culus uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday xarunta maamulka degmada Marka.

Xoghayaha maamulka Marka, Maxamed Cismaan Yariisow oo u wraramay Dalsan TV ayaa shaaciyey in qaraxa uu dhacay xili ay kasoo baxeen shir ay ku lahaayeen degmada.

Maxamed Cismaan ayaa sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday markii ay u soo baxeen banaanka, isla-markaana uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta dowladda hoose.

“Shir ayaan laheyn shirkii ayaan kasoo baxnay banaankaa nimid, kadib qaraxii ayaa na qabsaday, dhanka laamiga ayuuna ka dhacay,” ayuu yiri xoghayuhu.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in dhimashada ay gaareyso illaa 9 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo tobaneeyo, wuxuuna tilmaamay inay weli wadaan gurmaad xoogan.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxaan, waxayna tacsi u direen ehellada guddoomiyaha & dadkii kale ee dhintay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Daawo Madaxweynaha Konfurgalbeed Abdiaziz Hassan Maxamed LaftaGreen ayaa ka tacsiyeey dilka Gudoomiyihii Degmada Marko Abdullahi Waafow iyo shacabkii kale ee goobta ku dhintay.

Daawo Madaxweynaha Konfurgalbeed Abdiaziz Hassan Maxamed LaftaGreen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here