Faarax Macallin: Axmed Madoobe waxaa laga rabaa halkuu ku garaaci lahaa durbaankii uu xaday

faarax macalin

Siyaasiga Soomaalida Kenya, Faarax Macallin ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isaga oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday.

Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa.

“Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo dhahaysa. Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.” Ayuu yiri Faraax Macallin.

“Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta. Xorey dadka Jubaland.”

Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ku beesha ah Faarax iyo Axmed Madoobe ay la safteen madaxweynaha Axmed Madoobe.

Siyaasiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe, isaga oo Kismaayo ku tegay diyaarad ka baxday Nairobi, islamarkaana jabiyey xayiraaddii duulimaad ay dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here