Facebook oo diiday in la tirtiro xayeysiin lagu eedeynayo Ilhaan Cumar

Ilhan omar

Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay diiday inay meesha ka saarto xayeysiin xildhibaanadda ka tirsan aqalka Koongareeska la xiriirineyso inay taageerto ururka Xamaas ee ka dagaallama Falastiin, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Waxay ku wargeliyeen Facebook in qoraalkaas uu yahay mid khalad ah oo naceyb abuuri karo isla markaana halis ku ah nolosheeda.

Xafiiskeeda ayaa la xiriiray shirkadda Facebook kadib markii ay arkeen xayeysiin ay soo dhigeen halkaas guddi fadhigiisu yahay Mareykanka oo u doodo xuquuqda dadka Israa’iil.

Qoraalka ayaa sidatan u dhignaa “Israa’iil marka ay weerarto Xamaas, xildhibaan Ilhaan waxay ku tilmaanta falal argagixiso”

Facebook waxay dhankiisa xaqiijiyay in xayeysiinta aysan kasoo horjeedin xeerarka u yaalla, sida laga soo xigtay wargeyska.

Waxaadhaqan gashay xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof. Here are some of the main news lines so far:

Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza.

Rabshadahan oo ka bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa’iil oo dhankeeda bilowday in ay duqeyso Marinka Qaza.

Kala aragti duwanaanta Dimuqraaddiyiinta ee gudaha Aqalka Congress-ka

Si loo fahmo qaabka ay siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ugu kala qaybsan yihiin arrinta Israa’iil iyo Falastiin, meesha ugu sahlan waa in la eego gudaha Aqalka Wakiillada ee Mareykanka.

Horay waxaa Mareykanka loogu yaqaannay in siyaasaddiisa arrimaha dibadda ay u janjeerto taageerada Israa’iil marka ay soo ifbaxaan dhacdooyinka qalalaasaha ah ee Bariga Dhexe.

Sababta qeyb ahaan waa in la eegayo dadka Yuhuudda ah ee codadkooda ku taageera xisbiyada marka ay doorashada soo galayaan.

Hase yeeshee, Golaha Wakiillada ee go’aannada dowladda gaara waxaa muddooyinkii dambe ku soo kordhayay siyaasiyiin ka duwan kuwii hore, kana fikrad duwan, taasina waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa siyaasadda Washington ee ku aaddan Israa’iil.

Sanadkan 2021-ka, tiro taariikhi ah oo ka mid ah xildhibaannada ku biiray Aqalka Wakiillada iyo waliba kan Senate-ka ayaa ka kooban dad isugu jira Madow, Hispanic, Reer Aasiya/Pasific Islander ama Mareykanka dhaladka ah ee loogu yimid dalka. Tiradaas waa 23% ka mid ah kuraasta labada Aqal, sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay Hay’adda Pew Foundation.

Labaatan sano ka hor, tiradaas waxay ahayd 11%. Sannadkii 1945-kiina waxayba ahayd 1%.

Kala duwanaanta asalka ay ka soo jeedaan xildhibaannada ayaa wax weyn ka baddaleysa fikradaha dowladda iyo isticmaalka awoodda maamulka.

Si gaar ah waxaa isha loogu hayaa kooxda haweenka da’da yar ee Aqalka Congress-ka, kuwaas oo saameyn xoog leh ku leh siyaasadda Mareykanka, waxaana ka mid ah Gabadha asalkeedu Falastiin yahay balse dhalsahada Mareykanka heysata ee lagu magacaabo Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar oo kasoo jeedda Soomaaliya.

Labadan gabdhood ayaa horayba loogu yaqaannay dhaleeceynta Israa’iil iyo u ololeynta xuquuqda Falastiiniyiinta. Sanadkii 2019-kii, Israa’iil ayaa mar labadoodaba ka mamnuucday inay booqdaan dhulka ay ka arrimiso xukuumadda Tel Aviv.

Haweeneyda ugu caansan haweenka saddexda ka kooban waa Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York balse asal ahaan kasoo jeedda waddanka Puerto Rico.

Alexandria waxay kursiga ka qaadatay Joe Crowley oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu sarreeyay xisbiga Dimuqraaddiga, horayna xilkaas u heystay. Mr Crowley wuxuu caan ku ahaa inuu mar walba taageeri jiray Israa’iil.

Dhammaan xubnahan xisbiga Dimuqradadiga kasoo jeeda waxaa hor kacaya siyaasigii doorashadii ugu dambeysay u taagnaa musharraxnimada xilka madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga dhexdiisa, Bernie Sanders, oo ka mid ah rug caddaayada siyaasadda Mareykanka ee khibradda badan leh.

Xilliyadii hore ee xirfaddiisa, Sanders – oo ku soo dhex koray Yuhuudda waqti badanna kuwoo qaatay Israa’iil 1960-meeyadii – wuxuu qabay fikir siyaasadeed uu si guud ugu taageeri jiray Israa’iil. Laakiin markii uu xilka madaxweynaha u tartamay sanadkii 2016-kii, wuxuu muujiyay taageero dheeraad ah oo uu u hayo Falastiiniyiinta – fikirkaas ayaana ka dhex saaray siyaasiyiinta kale ee Dimuqraaddiga.

Tan iyo xilligaas, Sanders wuxuu xoojiyay dhaleeceynta uu u jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo uu ugu yeeray “mid cunsuri ah”.

Bernie Sanders oo xubin ka ah Aqalka sare ee Senate-ka ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here