Fahad Yaasiin oo lagu xannibay dalka Jabuuti

fahad yaasiin

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay in Fahad Yasiin lagu celiyay dalka Jabuuti xilli uu ku sii socday magaalada Muqdisho.

Afhayeenka madaxweyne Farmaajo, Cabdirashiid Xaashi, ayaa boggiisa Facebook ku qoray in “Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka Jabuuti ka dhacay” oo uu ku tilmaamay “mid xadgudub ah”.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalka ku sii daray: “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Saaka waxaa soo baxay warar sheegayay in diyaaradda Turkish Airlines lagu xannibay dalka Jabuuti, ka dib markii la ogaaday in “uu la socdo Fahad Yaasiin”, balse Dowladda jabuuti ayaa beenisay in ay qofka ka celisay diyaaraddaas.

Fahad Yasiin oo xudun u ah khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya ayuu Farmaajo u magacaabay la-taliyihiisa dhanka amniga ka dib markii Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha NISA.

“Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here