Fahad Yaasiin oo sharaxay sababta kiiskii Ikraan Tahliil u weynaaday

fahad yaasiin

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday hadal haynta kiiska Ikraan Tahliil, oo ahayd mid ka mid ah saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga qaranka.

Gabadhan oo madax ka ahayd qaybta dambi baarista internet-ka ayaa la wayaay dabayaaqadii bishii June ee sanadkii 2021-kii, kaddibna waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la dilay.

Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd ayaa lagu eedeeyay in ay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen Al-Shabaab kaddibna dileen.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jah wareer badan hareeyo kiiskan.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay oo baraha bulshada lagu shaaciyay ku faahfaahiyay marxaladihii ugu horreeyay ee kiiskan.

Kiis ka duwanaa kiisaskii hore

Yaasiin Fareey oo marka uu billaabanayay kiiska Ikraan ahaa madaxa qaybta guud ee nabad sugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in “isaga loo xil saaray baaritaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay arrintan, tallaabadii ugu horraysayna uu isagu qaaday”.

“Kiiskaas wuxuu aniga iga soo gaaray, maadaama aan madax ka ahaa gobolka, in Ikraan la waayay 28-kii bishii June kaddibna maadaama aan anigu gobolka joogay, taliyihii hay’addana uu dalka ka maqnaa waxaa aniga la ii xil saaray in kiiskaas aan baaritaan ku sameeyo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xogtii baaritaankiisa oo dhammaystiran uu la wadaagay madaxdii hay’adda NISA, oo uu ugu horreeyay taliyihii xilligaas, Fahad Yaasiin, oo dalka dib ugu soo laabtay.

“Guddi baaritaan oo ka socday Maxkamadda Ciidamada iyo hay’adda Nisa ayaa si wadajir ah u baaray kiiskaas, xogta oo dhammaystiranna waxay taallaa Maxkamadda Ciidamada iyo xafiiska Hay’adda Nabad Sugidda,” ayuu yiri Yaasiin Fareey.

Kiiska Ikraan ayuu Yaasiin carrabka ku adkeeyay in la siyaasadeeyay, waxyaabo badan oo been ahna laga sheegay, “ilaa hadda waxa laga og yahayna ay tahay oo kaliya in la waayay Ikraan”.

Taliyihii hore ee Nisa, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in kiiska Ikraan Tahliil uu ahaa mid ka duwanaa kiisaskii horay usoo maray ha’adda uu ka shaqeynayay.

“Wuxuu kiiskan kuwii kale uga duwanaa inuu dhacay xilli uu dalka ku jiray marxalad adag, taas ayaana kalliftay in uu kiiskan saamayn badan yeesho, laakiin aniga ma aaminsani in uu ka duwan yahay wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee wax bartay ee iyagoo nool oo caafimaad qaba u bareeray inay naftooda iyo maalkooda u huraan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Taliyaha cusub ee horay qaybta uga ahaa ololaha caddaalad raadinta Ikraan

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay sida loo maareeyay arrimaha ku saabsanaa Ikraan Tahliil, madaxdii hore ee Nisa ayaana marar kala duwan lagu dhaliilay in ay wax ka ogaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar warbaahinta ka sheegay inuu ka warqabo ciddii dishay gabadha xubinta sare ka ahayd hay’adda nabad sugidda Soomaaliya.

Laakiin hadda waxaa hoggaanka hay’adda Nisa la wareegay xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida wayn ugu ololeynayay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Inkastoo uu kiiskan hor yaallo maxkamadda ciidamada qalabka sida, haddana dad badan ayaa ka war dhowraya tallaabada uu qaadi doono Mahad Salaad ee la xiriirta arrintan.

Muxuu kiiska horay uga yiri Mahad Salaad?

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyay dilkeeda.

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah,” ayuu xilligaas ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Xildhibaan Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqti ay doonto ha qaadatee “in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan”.

“Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay” ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Wararka iska soo taraya kiiska Ikraan ayaa soo xoogaystay tan iyo markii ay soo idlaatay doorashada Soomaaliya ee madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here