Fahad Yaasiin oo sheegay inay is guursadeen haweenay Alshabaab xubin ka ah iyo Sarkaal NISA ah

fahad yaasiin

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay, wuxuuna daabacay maqaal nuqul ka mid ah ay BBC-da heshay.

Fahad oo lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa maqaalkan kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Fahad u magacaabay agaasime ku xigeenka NISA 15-kii Agoosto, 2018-kii, xilkaas oo markii dambe uga sii gudbay in uu noqday ku simaha agaasimaha NISA ee mudada dheer kadib markii Cusmaan Xuseen Cusmaan uu u tartamay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Fahad waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay ay tahay ‘helidda xog sugan” iyo dhismaha hay’ad sirdoon oo yoolkeedu yahay in ay ka tartanto kuwa gobolka iyo adduunkaba, iyo sidoo kale dhismaha kalsoonida shacabka.

Inkasta oo maqaalka yahay mid aad u kooban, xogta ku jirtana ay aad u koobantahay, haddane waxaa jira meelo si aan faahfaahsanayn uu sawir uga bixinayo xogo xasaasi ah oo amniga ku saabsan, kuwaas oo quseeya tirokoobyo.

Inkasta oo aysan jirin illo ka madax banaan Agaasimaha iyo NISA oo ka marqaati kici karta , haddane Fahad waxa uu sheegay in ka hor inta uusan xilka qaban ay dalka ka dhici jireen illaa 85 fal dambiyeed, halka hadda ay hoos ugu dhaceen illaa 9 fal dambiyeed.

Waxa uu markii ugu horeysey qirey jiritaanka ciidamada loo yaqaano Illaalada Shacabka ee dharcadda, kuwaas oo uu Fahad si weyn ugu faanay wax qabadkooda.

Meelaha qaar Fahad waxa uu soo qaatay tusaalooyin uu ku muujinayo horumarka laga sameeyay NISA, waxaana ka mid ah in la ogaaday haweenay guursatay sarkaal NISA ka tirsan, iyaduna ay tahay xubin sare oo Alshabaab ka mid ah, arrintaas oo gabbaad ahaan u adeegsan jirtay si ay u abaabusho weeraro waaweyn.

“Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan” ayuu ku yiri maqaalka Fahad.

Ma uusan magacaabin haweenayda, mana uusan sheegin wixii ku dhacay markii dambe.

Sidoo kale Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sidoo kale ka sheekeeyay haweenay da’ ah oo guri joog ah oo buuxisay shuruudihii ka mid noqoshada sirdoonka, balse markii waraaqihii shaqada laga saxiixay xafiiska ugu tagtay wiilkeeda oo ahaa sarkaalkii waraaqaha ka saxiixay, taas oo aysan iyada ogeyn, isna uusan filanaynin in hooyadiis ay isku meel ka shaqayn doonaan.

Waxa kale uu Fahad ka hadlay 8 agaasime sirdoon oo dunida meelo kala duwan ka socday oo Muqdisho soo booqday, waxaana ka mid ahaa nin uu Fahad sheegay in tabobarkii ugu horeeyay ee sirdoon ku qaatay Soomaaliya sanadihii 1970-naadkii markii NISA la asaasay , haddane isaga oo agaasime ah uu yimid dalka, islamarkaasna uu codsaday in sirdoonka dalkiisa loo tabobaro.

Sida uu siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Fahad Yaasin

Waxa uu markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada xilligii uu socday ololaha doorashada Soomaaliya ee 2012kii. Waxaa la sheegaa in uu qeyb ka ahaa kooxda olelaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, xilkaas oo uu iska diiday.

Waxa uu sanadkii 2016kii hormuud u noqday ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, waxa uu Fahad noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya kahor inta uusan noqonin madaxa Hay’adda Sirdoonka oo markii hore uu ka noqday agaasime ku xigeen.

Waxaa lagu tiriyaa in u yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, saameyn ballaaran uu ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda. Dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay in uu Fahad wax weyn ku kordhiyay dowladnimada Soomaaliya.

“Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo la hadlay BBC.

Laakiin Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar lama dhacsana hab fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin.

“Inta aan aniga ka aqaannana ,Fahad ma ahan qof garan kara inuu arko waxa umadda oo dhan u dan ah. Wuxuu arki karaa dowladnimadu inay qabyaalad ku dhisan tahay. Qofka ugu fariidsan ma raadiya ee kan uu isaga wadan kara ayuu raadsadaa. Xaga dambe qofkii ka maamulayay dowladda ayuu isu arkaa, waana taasi sababta loo yiri waa milkiilaha dowladda,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo la kulmay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Sanadkii 2012-kii, wuxuu bilaabay inuu door weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya, isagoo sida la sheegay u isticmaalaya lacag ka timid dalka Qadar, inuu ku gato codadka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Illaa iyo dhawaan, wuxuu ahaa Fahad mid leh kaalin ay Qatar u isticmaasho siyaasadda Soomaaliya, isaga oo aan muuqaneyn, taasoo gaarsiisay heerka guusha siyaasadda ee uu u tallaabay, ” waa sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute.

Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin

Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go’aamadiisa siyaasadeed.

Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here