Fakade C/Rashiid Janan oo Ciidamada DF hub culus iyo rasaas kala wareegeen

cabdirashiid janan

 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo xalay ciidamada dowladda federaalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen hoyga wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba qoray oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in guriga Wasiir Janan ay kala soo baxeen rasaas nuucyadeeda kala duwan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidanka baaritaanka waday ay isku geedaameen guriga inta uu socday howlgalka, iyaga oo markii dambe isaga tegay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here