Fallaagada Tigreega oo gudaha u galay Mekelle oo horay looga saaray

ciidamada tigray

Waxaa jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in ciidammada fallaagda Tigray ay gudaha u galeen caasimadda gobolkasi ee Mekelle.

ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in markii ugu horreysay dagaalyahanada Tigray lagu arkayo magaalada tan iyo bishii Nofeember ee sanadkii hore.

Dad ku sugan gudaha magaalada ayaa BBC-da u sheegay in dad ku faraxsan ka bixitaanka ciidammada federalkaay magaalada ku dhex debbaaldagayaan.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa xabbad joojin hal dhinac ah oo maanta dhaqan galeysa uga dhawaaqday Tigray, sida ay sheegty warbaahinta dowladda.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si joogto ah uga soo horjeesaneysay baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here