Fanaan Cumar Shooli oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

cumar shooli

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiin Madaalaha Hobollada Waaberi.

Geerida Cumar Shooli ayaa waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan Hobollada Waaberi iyo Golaha Abwaaniinta Qaranka Soomaaliyeed.

Cumar Shooli ayaa ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yeldameri ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay lagu dabiibayey . Ehellada Allaha u naxariistee Cumar Shooli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here