Fannaanada reer Suudaan ee Naada Al Qalcah iyo Soomaalida

Nada Al Qalcah

Gabadha heesta ee caanka ah ee reer Suudaan, Naada Al-Qalcah, waxay barteeda Facebook-ga si diirran ugu mahadcelisay Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku taxan ee ugu hambalyeeyay in ay boggeeda uu gaaray 2-milyan oo qof oo ku xiran.

Arrintan ayaa timid ka dib markii boqollaal ka mid ah Soomaali ku taxan barteeda ay la wadaageen hambalyo iyo tahniyado la xiriira in barta ay Facebook ku leedahay fannaanada ay gaartay illaa 2 milyan oo qof.

Naada Al-Qalcah, ayaa shalay gaartay tirsiga laba milyan oo qof oo barteeda toos ugu taxan, halkaas oo ay fannaanadu taageerayaasheeda kula wadaagto heesaha ay qaaddo.

Soomaalida ka falcelisay arrintaas waxay fanaanadda ku tilmaameen mid aad looga jecelyahay Soomaaliya.

Arrintaas oo fannaanadda ay laf ahaanteeda ka falcelisay, waxayna barteeda Facebook-ga soo dhigtay farriin u dhignayd sidatan: “Salaan iyo qadarin ayaa u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, waan ku faraxsanahay in aan wada-xiriirno shacabkiinnaas aadka u wanaagsanow, waxaanan jeclahay in aan dhowaan idin soo booqdo idamka Alle”.

Farriinta Facebook iyo Naada
Qoraalka sawirka,Farriinta Facebook iyo Naada

Farriin kale waxa ay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay in taageerada joogtada ah ee ay ka hesho, iyadoo tilmaantay inay jaceyl iyo qaddarinba u hayso.

Mid ka mid ah Soomaalida halkaas ku taxan waxa uu tilmaamay in fannaanadaas ay hadda kaddib “ka mid tahay bulshada Soomaaliyeed” mar haddii ay garatay buu yiri “in Soomaalidu ay taageero buuxdo u hayaan”.

Naada ayaa si weyn usii faafisay farriimaha hambalyada ee ay taageerayaasheeda Soomaalida u muujiyeen.

Dalka Sudaan aad ugu badan is cadeynta haweenka, waxaana u dheer is cayilin. Nada oo dumar badana ay u arkaan gabadh aad u qurux badan, ayaa billaabay in kaniiniyo ay liqaan si ay qaabkeeda ugu cayilaan.

Waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Suudaan, waxayna dadka la dhaceen codkeeda, iyo masraxiyadeeda fanneed.

In kastoo Suudaan ay leedahay boqollaal fanaaniin caan ah, Naada way ka soo dhex baxday, waxayna ka mid noqotay kuwa ugu caansan.

Magaceeda dhabta ah waa Naada Moxamed Cusman. Al-Qalcah waa naaneysteeda, waana xaafad ka tirsan magaalada Khartuun oo ah meesha ay fankeeda ka soo bilowday.

Naada waa fannaanad dhalatay sannadkii 1975, waxayna fanka ku soo biirtay 1990-kii. Muddo 22 sano ah ayey tahay fannaan. Waxayna inta badan ka heestaa arrimaha haweenka. Waxay qaaday in ka badan 200 oo heesood.

Heesaheeda qaar ka mid ah waxay kula talisaa dhallinyarada – rag iyo du,mar – ee isticmaala baraha bulshada. Mid ka mid ah kuwa ugu caansan waa “Ragel al-Sitrah”.

Waa fanaanad horey qeyb oga noqotay arrimo muran dhaliyay oo heeso ay ka qaaday. Inta badan heesaheeda iyada ayaa sameysata.

Heesaheeda waxaa qeyb ka ah kuwo siyaasadeed. Mid ay dhowaan qaaday oo ku saabsanayd isbedelka ka dhacay Sudan ayaa muran dhaliyay. Warbaahinta qaar ee dalkaas waxay sheegeen in khilaaf uu soo kala dhexgalay Naada iyo Ciidamada, ka dib markii heestaas la shaaciyay.

Qaar ka mid ah farriimaha Soomaalida u direen Naada

Naada Al Qalcah
Naada Al Qalcah
Naada Al Qalcah
Naada Al Qalcah
Naada Al Qalcah
Naada Al Qalcah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here