Faransiiska: Turkigu waxa uu Libya ka wado maahan mid loo dulqaadan karo

erdogan and macron

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa Turkiga ku weeraray howsha uu Libya ka hayo, isaga oo Gaashaanbuurta NATO ku eedeeyey inay ciyaarayaan “ciyaar halis ah” oo aanan loo dulqaadan karin.

Macron, oo ay hadaladiisa ka caraysiin karaan dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu dadaalada uu Turkiga ka wado Libya ku tilmaamay “fikrad muran ka dhex abuuri karta isbahaysiga milateriga”, isaga oo horayna ugu tilmaamay “maskax dhimatay.”

Ankara ayaa dowladda Libya ka taageeraysa dib u heshiisiinta, taas oo ay Qaramada Midoobay iyo beesha calaamka aqoonsatay.

Dadka arrimahaas falanqeeya ayaa aaminsan in Faransiiska uu taageerayo Janaraal Khaliifa Xaftar, Ruushka iyo UAE, balse Paris ayaa ku adkaysanaysa inay arrimahaan dhexdhexaad ka tahay.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri “Waxaan u malaynayaa in Turkiga uu ciyaar halis ah ka wado Libya uuna faragelinayo go’aamadii shirkii Berlin” ee la qabtay horaantii sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here