FARIIN: DHALINYARADDA SSC LA WAREEGA TALADDA IYO XUKUNKA DHIIGGIINA CIDNA HAKU AAMININA

shuhadaa ssc

Waxaan u hambeynaynaa dhalinyaradda Kacdoonka ee Laascaanood, kuwaas u dhabar adeygay xasuuqii iyo dilkii Maleeshiyadda SNM ee doonayey inay kacdoonkooda iyo halganka ku cabudhiyaan. Mudo labo todobaad ah baad sharaftii shacabka SSC iyo Daraawiishta ku soo celiseen.

Waxaan idiin cadeynayaa in waxa laga shirayaa ee Isimo, Cuqaal iyo Gudi isugu habar wacanayaan ay tahay sidii dhiigiina loo iibsan lahaa, kacdoonkana loo hagar dhaameyn lahaa. 90% daacad kama aha halgalkiina, badankoodu maalintii waa SSC, habeenkiina waa SNM ama Puntland.

Gudiga 33 qof weli Jamhadda Gooni-u-goosatadda SNM waxay ugu yeeraan Somaliland, Maleeshiyaddana Ciidamo, waxay doonayaan inaydaan Mudaharaadyo sameynin, waqtiga ayey dheeraynayaan, markaad banaanbax iyo kacdoon bilowdaana baaqyo ayey soo saarayaan, nabadgelyada hala ilaaliyo waa meesha laydiinku soo gabanayo, waxay diidan yihiin in caalamku arko Calanka Soomaaliya. Aakhirka waxay Xujo ka dhigayaan Garaad hebel ama Caaqil hebel baa imaan waayey.

Gudiga 33 qof wax Garaad ama caaqil leeyahay looma dhiibin, Dhiiggii dhalainyaradda SSC baa laydiin dhiibay, qofna uma xayirnaan karo derajaduu doono halahaadee, joojiya Khiyaanooyinka aad maleegaysaan. Xubintii Magaca Somaliland ama Ciidamada laga maqlaa waa horgal.

Ugu dambeyn dhalinyaradda SSC waxaa ku waajiba inay tallada la wareegaan, oo hogaan ku dhowaaqaan, ciidankii nabadgelyada sameystaan, saraakiil halgan oo nadiifa abuuraantaan, Islamarkaana aad la wareegtaan xaqiinii, hadaad talaabo degdega qaadi weydaan oo kuwan taladda u daba fariisataan kacdoonku wuu fashilmayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here