FARIIN KU SOCOTA JAMAAHIIRTA DHALINYARADDA KACDOONKA SSC IYO KHATARTA

kacdoonka sool

Jamaahiirta Dhalinyaradda Kacdoonka ee SSC, waad ku mahadsan tihiin inaad labo todobaad aad sharaftii Daraawiishta ku soo celisaan. Waxaa sababay dhiiggii aad u hurteen. Waa inaad xusuusnaataaan in Halgankiinu galay marxaladii ugu adkeyd, wuxuu yeeshay cadowyo kala duwan sida Jamhadda SNM, Horgallada u shaqeeya iyo koofiyad bacleyaashii ku agnoolaa.

Majirto Isimo, Cuqaal, waxgarad iyo siyaasiyiin raali ka ah kacdoonkiina, idinkaa Iska leh dhalinyaro ahaan gabdho iyo wiilal, dadka iska dhigayaa inay idiinla socdaan meel ay ku hadhaan bay waayeen, kii idinka hadhaa meel uu tego garan maayo waayo cidina iibsan meyso, weliba badankoodu waxay daboolayaan dembiga Gacankudhiigle Muuse Biixi.

Isku tashada, hogaan sameysta, Banaanbaxyaduna waa inay habeen iyo maalin socdaan, khasaaraha idiin gaaraya waxaa boqolaal jeer ka xun khasaaraha Jamhadda SNM gaaraya, waxaad burburiseen wixii ay 30 sano ka shaqeynayeen. waxaad soo afjarteen waa nala xasuuqay.

Cadowgiina kowaad waa kuwa leh waan tashanaynaaye, halganka joojiya, waxba idiinkaba gelin wixii shiraya, waxaad ogtihiin inaan SNM ku tegeyn naga baxa.

Dhamaan Qurbejoogta SSC waxaa ku waajiba inay wixii dhaqaale ah dhalinyarada ku taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here