Fariinta Maayerka Laascaanood sucuudiga u diray waxaa Markhaati in kala dambeyntii Somaliland lumayso

maayarka laascaanood taarwale

Hayada ka hortaga afooyinka NEDFORD Somaliland ayaa dhowaan Gobolka Sool ku qaybisay raashin mucaawimo ah oo dawlada Sacuudigu ugu deeqday Somaliland, kaas oo la gaarsiiyey dhowr kun oo qoys danyarta gobolkaas ku nool, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Maamulka Gobolka Sool, kuwaas oo ka mahadceliyey, hoos ka daawo mahadcelintii gudoomiyaa Gobolka Sool.

Waxaa layaab ah in Maayerka Magaalada Laascaanood uu saxaafada ka hadlay oo uu beeniyey in deeqdaasi dadkii u baahnaa la gaarsiiyey, isagoo Dawladda Sacuudiga ee deegdan soo bixisay u sheegay inaan deeqdaas dadkii loogu talo galay aan la gaarsiin, talaabadan oo ah astaan muujinaysa inay lumayso kala dambeyntii Dawladnimo ee Somaliland.

In Maayerku fariin cabasho ah u diro deeq bixiyeyaasha macnaheedu waa XUKUUMADA SOMALILAND WAXBA LAGUMA AAMINI KARO, MANA AAMINSANIN EE YAAN WAX DAMBE NALOO SOO MARIN, hadalka maayerku macniiisu wuxuu noqonayaa DAWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA DEEQDA NOO SOO MARIYA, mar hadduu cabashadiisu ka gudubtay hayadihii ay khuseysay oo gaaray deeq bixiyeyaashii.

Daawo sida deeqda loo qaybiyey:

MAXAA KU KALIFAY MAAYERKA INUU BEEN KA SHEEGO DEEQDII LA QAYBIYEY?

Soomaalidu waxay ku maahmaada “HUNGURI WAX KA WEYN LA GELIYA WUU DILAACAA” Maayerka mudo dheer ayaa shacabka Laascaanood kaga cabanayeen shaqo xumo iyo musuq ku saabsan dhulka iyo ku qabsi xarkaha goostay, Laakiin xukuumada Somaliland ayaa iska dhega tirtay, taasoo gaarsiisay inuu damac ka galo mucaawimooyinkii hayadihii ay khusaysay ay danyarta u qaybinayeen.

Sikastay tahayba rajo weyn lagama qabo in xukuumada Somaliland wax ka qabato kala dambeyn xumadda bilowga ah ee ku socota sida Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee intay dawlada federaalka ka talaabsadaan Beesha Caalamkala xiriira. hoos ka daawo hadalkii maayerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here